Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa isbeddel ku sameeyay taatikada dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Sida uu shaaciyay Afhayeenka howl-galka Hilaac, Jeneraal Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) waxaa la joojiyay dagaalladii fool ka foolka ahaa ee lasoo waday ku dhowaad hal sano, kadib markii la go’doomiyay Daacish-ta ku dhuumalaysanaysa buuraha.
“Ciidamadii hore ee dagaalka hal ka sano ku jiray waa la soo rogay, waxaana la geliyay guutada Afmeer oo beddeshay taatikadii dagaalka, maadaama wax yar ka hartay kooxdaas waa la go’doomiyay, muddo labo bilood ah ayay hadda socotaa go’doomintaas,” ayuu yiri Jeneraal Faadhigo.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay keentay in xubno badan oo ajaaniib ah ay isa soo dhiibaan, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeda dalalka Yemen iyo Itoobiya.
“Waxay go’doomintaasi sababtay in ay isa soo dhiibaan xubno badan oo ajaaniib ah oo ku jiray kooxda, una badan Yamaniyiin iyo Itoobiyaan,” ayuu yiri Jeneraalka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in xogtii ugu dambeysay ee laga helo kooxda Daacish ay muujinayso in xaruntooda ay u wareejiyeen deegaanka Wangable oo ku dhow degmada Qandala, isagoo muujiyay rajada ah in xubnaha harsan ay iyaguna isa soo dhiibi doonaan.
Ciidamada Puntland ayaa muddo sanad ah ku jira howl-galka ka dhanka ah kooxda Daacish ee maamulka doonayo inuu ku wiiqayo awoodda ururkaas. Howl-galkan ayaa haatan maraya heer gaba-gabo ah, iyadoo diiradda la saarayo hawl-gallada ka socda buuraleyda Calmadow.
Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay in ka badan 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish.
Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen kuwo kooban. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.
Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 80% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

