Boosaaso (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa baaq deg-deg ah u diray Beesha Caalamka, iyadoo ka codsatay in lagu daro barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya ee ay maalgelinayaan hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilloonida dalka.
Maamulka wuxuu dalbaday in lagu qaddariyo doorka uu ku leeyahay la-dagaallanka argagixisada, isla markaana aan la iska indho-tirin baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira deegaannada laga xoreeyay kooxaha xagjirka ah.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si gaar ah diiradda u saaray baahiyaha ka jira degaannada Calmiskaad ee laga xoreeyay ururka Daacish iyo kuwa Calmadow ee ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab ee qorshuhu yahay in laga saaro.
Sida lagu xusay bayaanka, Puntland waxay si toos ah ugu baaqday Beesha Caalamka iyo hay’adaha taageera barnaamijyada nabadeynta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya in ay Puntland ka qeyb-geliyaan barnaamijyada muhiimka ah ee la xiriira xasillinta. Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la garwaaqsado in baahida ugu daran ay ka jirto meelaha ay ciidamada Puntland ka xoreeyeen kooxaha argagixisada.
Baaqa Puntland ayaa yimid iyadoo degmada Carmo ee gobolka Bari lagu qabtay shir muhiim ah oo ku saabsan barnaamijka Xasilinta Calmiskaad. Shirkaas ayaa diiradda saaray qiimaynta baahiyaha degmooyinka ay saameeyeen dagaallada lagula jiro kooxaha xagjirka ah, si loo helo xog rasmi ah oo saldhig u noqota qorsheyaasha xasillinta ee la fulinayo.
Ajandaha shirkaas ayaa xooga saaray xog-ururin lagu xaqiijinayo heerka burburka ka jira deegaanka, loona diyaariyo qorshe waara oo lagu taageerayo dadka deegaanka, loogana hortago in kooxaha argagixisada ay mar kale kusoo laabtaan. Puntland waxay sheegtay in aan la gaari karin xasillooni waarta haddii aysan qeyb ka ahayn barnaamijyada la doonayo in dalka lagaga hirgeliyo.
Si kastaba, Puntland ayaa muujisay muhiimada inay qeyb ka noqoto barnaamijyada xasilinta oo ay hadda ka maqan tahay, xilli ay buuraha Calmiskaad ka wado howl-gallo ka dhan ah kooxda Daacish, oo halkaasi ku dhuumaleysata.