Puntland oo caawa shaacisay kiisas badan oo Covid-19 ah

Garowe (Caasimada Online)-Guddiga ka hor tagga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus ee deegaanada Puntland oo caawa soo saaray warbixintii Corona ayaa shaaciyey kiisas cusub.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in maanta deegaanada Punland laga diiwaan geliyey 13-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas oo 3-da laga diiwaan geliyey gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar, halka 10-ka kale laga diiwaan geliyey gobolka Nugaal.

Tirada guud ee dadka maanta laga baaray cudurkaas ee deegaanada Puntland waa 23, mana jiro qof u dhintay ama kasoo bogsaday xanuunkaas 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

13-ka qof ee cudurkaas laga helay Puntland waxa ay sheegtay in 10 ka mid ah ay rag yihiin, halka labada kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus gudaha Puntland ayaa gaartay 51-kiis, hal qof ayaa ugu dhintay xanuunka, hal qofna waa kasoo bogsaday.

Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa galabta shaacisay 38-kiis oo cusub, 12 qofood oo bogsatay xanuunka iyo hal qof oo u geeriyooday.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 873 xaaladood, waxaa ka bogsootay xanuunkan 87 qofood, halka 39 qofood ay u geeriyootay, balse markii lagu daro kiisaska ay caawa shaacisay Puntland ayey tirade gaareysaa 886-kiis.