25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Puntland oo ka cabseneysa inuu Jawaari jaan rogo heshiisyo muhiim ua ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa cabsi ka qaba in isbedel lagu sameeyo qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga ee kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

Puntland ayaa sheegtay inay u muuqaneyso in DFS ay burburineyso qodobadii lagu heshiiyay, kadib markii ay sheegtay inaan wali wax laga qaban Heshiiska.

Puntland waxa ay sheegtay inaanu ku qancin qaabka ay DFS u dardar galineyso howlaha doorashada, waxa ayna shaki ka muujisay in Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu jaan-rogo qodobadii lagu heshiiyay.

Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan ayey uga digeen inuu faragaliyo go’aanada laga soo saaray shirka wadatashiga.

Puntland waxa ay ka digtay in dib u dhac lagu sameeyo Doorashada dalka, iyada oo muujisay isbedel waa haddii ay habacsanaan Siyaasadeed ka dareento DF.

Dhanka kale, Guddoomiyaha BFS ayaan ka hadal arrintaani, balse waxa uu dhowr jeer sheegay in wakhtiga doorashada uu noqon doono mid sugan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News