Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ciidamo dheeraad ah u diray magaalooyinka iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala dhinaca xeebaha.
Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa amray in ciidamada loo diro deegaanada xeebaha Fog ee Bari iyo Nugaal, waxaana la sheegay iney ujeedada tahay xaqiijinta amaanka.
Saraakiisha horkaceysa ciidamada ayaa sheegay iney soo dhaweyn kala kulmeen dadka ku dhaqan deegaanada dhinaca xeebaha ee ku dhow magaalada Qandala oo dhawaan Daacish ay qabsatay.
Dhinaca kale xaalada magaalada Qandala ayaa ah mid degen, balse dadka deegaanka ayaa ka baqaya in lagu dul dagaalamo maadaama ciidamada Puntland ku wajahan yihiin magaalada, iyadoo ciidamada Daacish ay isaga baxeen.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay iney magaalada isaga barakacaan.
Qandala waa magaalo xeebeed 75 km u jirta magaalada Boosaaso, waxaana maalmo ka hor tagay ciidamo la sheegay iney Daacish taabacsan yihiin.
Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inuu amarka wax ka ogaa, isaga oo dalbaday in ciidamada isla maanta ay tagaan magaalada Qandala.
Caasimada Online
Xafiiska Nugaal
[email protected]

