Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Puntland ciidamo cusub geysay galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Lama oga ujeedada ka dambeysa in Puntland ciidamo cusub geysaa deegaanada Galbeedka oo ciidamada Galmudug ay kula dagaalameen.
Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo nabadoonada ayaa sheegaya in Puntland waddo qorshe abaabulan oo ciidamo badan ku geyneyso duleedka magaalada Gaalkacyo.
Nabadoonada Gaalkacyo ayaa sheegaya in la arkay ciidamo badan oo cusub kana socda Puntland kuwaasi oo saldhigyo ka sameystay galbeedka magaalada.
Nabadoonada ayaa ku baaqaya inaan dib loogu laaban xiisadihii iyo dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo ee saameynta badan geystay.
Waxaa laga baqayaa in isku hub iyo ciidan urursi kale ay sameeyaan maamulada isku haya magaalada.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]