28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Puntland oo dalbatay in dalka laga saaro General Gabre (Maxaa soo kordhay)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey, ayaa dalbaday in dalka laga saaro Generaal Gabre.

Generaal Gabre, ayuu sheegay in marnaba uusan xiriir la laheyn, laakiin uu xaqiiqsan yahay inuu ku sugan yahay gudaha dalka Soomaaliya.

Generaal Gabre, ayuu sheegay inuu ka badbatay dhagaha ummada Soomaaliyeed, ayna yaqaanaan dhibtiisa iyo waxyeeladiisa, xaqna ay u leeyihiin inay dalka ka saaraan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Ethiopia iyo Gabre aysan meel isla galeynin, sababtoo ah Gabre ayuu sheegay inuu yahay shaqsi aan Ethiopia badali karin.

General Gabre oo ah sarkaal Itoobiyaan ah ayaa waxa uu galaangal siyaasadeed ku dhex leeyahay Dowladda Soomaaliya, taas oo xitaa sababta in Madaxda Soomaalida ay safaro badan ku tagaan Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News