Boosaaso (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ciidamada dowladda Puntland ee ku dhaawacmay hawl-galkii ka dhacay buuraha Calmiskaad ayaa cabasho xooggan ka muujiyay daryeel la’aanta caafimaad ee ay la kulmayaan, iyagoo saaka xirtay wadada laamiga ah ee hor marta isbitaalka guud ee Boosaaso.
Ciidamadan ayaa sheegay in muddo ay sugayeen adeeg caafimaad oo ka yimaada dowladda, balse aanay helin wax gargaar ah.
Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen guddiga taakuleynta ciidamada Puntland, iyagoo ku eedeeyay in ay lunsadeen lacagihii shacabka Puntland ugu deeqeen ciidamada.
“Wax daryeel ah lama na siin, isbitaalkii Boosaaso wax adeeg ah kama helin dowladda, dhaqaalihii shacabka wuxuu galay jeebka rag calooshood u shaqeystayaal ah,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta dhaawacantay oo la hadlay warbaahinta.
Askari kale ayaa isaguna sheegay: “Annaga oo ah ciidankii Daraawiishta ee la dagaalamay Daacish, maanta waxay nala tahay in la illaaway. Dowladda waxaan ka codsaneynaa in ay na siiso daryeel caafimaad, ma aha deeq ee waa xuquuq aan u leenahay.”
Mid kale oo kamid ah askarta ku dhaawacantay hawlgalkaas ayaa yiri: “Markii nala keenay isbitaalka Boosaaso, daryeel lama na siin. Dowladdu waxay naga saartay dagaal, balse markii aan dhaawacnay lama daryeelin.
Askartan ku dhaawacmay dagaalka yaa sheegtay in dowladda ugu dambeysay markii isbitaalka la keenay, isla markaana aysan helin daryeel, iyagoo cod dheer ku yiri “Waxaan u baahan nahay daryeel caafimaad oo degdeg ah”.
Ciidamadan ayaa ugu dambeyntiina baaq u diray dowladda Puntland, iyagoo ka dalbaday in gudato waajibkeeda kaga aadan ee ah in ay helaan daryeel caafimaad iyo taageero dhab ah oo ay xaq u leeyihiin, kadib markii ay naftooda u hureen difaaca dalka.