25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo dib uga laabatay go’aan horey ay u qaadatay oo ay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Jimco ah dib uga noqday go’aan hore oo uu qaatay islamarkaana dib shaqadooda ugu oggolaaday seddax idaacadood kuwaasoo lix bil ka hor shaqada laga joojiyay.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Caasimada Online ee Garoowe ayaa lagu sheegay in ujeeddada hadda loo fasaxay saddexda idaacadood ay tahay in idaacadaha ka shaqeeya deegaannada maamulka Puntland ay ka helaan waaya-aragnimo, biseyl howl-aqooneed iyo iskaashi, si loo gaaro horumar dhinaca warbaahinta ah.

Sidoo kale, warka qoraalka ayaa wasaaradda waxa ay ku wargalisay milkiilayaasha idaacadaha ku yaalla Puntland inay diiwaangeliyaan idaacadaha aan xarumaha ku laheyn gudaha Puntland kuwaasoo doonaya in ay ka shaqeeyaan.

Si kastaba, lix bil ka hor ayaa maamulka Puntland wuxuu shaqada ka joojiyay Idaacadaha Bar-kulan, Ergo iyo Hirad, kaddib markii ay wasaaradda warfaafinta ay sheegtay inaysan heysan ruqsad shaqo.

Puntland waxa ay ka mid tahay deegannada ay saxaafadda kala kulmaan caburin dhowr jeer oo hore ayaa la xiray xarumi idaacado iyo wariyaal.

Wariyaal badan oo ka howgali jiray Puntland ayaa dalka isaga tagay qaar badan waxa ay aadeen waddamada caalamka sida Kenya kuwa kalena waxa ay hadda ka shaqeeyaan Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News