Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag u difaacay heshiiskii dhawaan dhexmaray iyaga iyo Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran siyaasadeed iyo dood ballaaran gudaha maamulkaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in heshiiskaasi uu salka ku hayo aragti fog oo lagu doonayo in lagu dhiso mustaqbal mideysan oo Soomaaliya ah, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Lugatoor ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Somaliland horey u lahaayeen xiriir iyo wada-shaqeyn dhow, wuxuuna tilmaamay in is-afgaradkan cusub uusan ahayn mid ka baxsan kuwii hore ee labada dhinac dhexmaray. Si kastaba, waxaa jira dad u fasiray si khaldan ama u adeegsaday si siyaasadeysan.
“Ceerigaabo waa tusaale cad oo muujinaya in wadashaqeyntu ay nabad dhalin karto. Haddii Soomaaliya ay rabto midnimo iyo horumar, waa in la hormariyaa danaha guud ee ummadda,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenku.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu ku baaqay in madaxda iyo maamullada dalka ay hormuud ka noqdaan dhiirrigelinta wada-shaqeynta, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay weli wajahaan dhibaatooyin barakac iyo colaado daba dheeraaday. Wuxuu tusaale u soo qaatay dadka ka barakacay dagaalladii Ceerigaabo, kuwaas oo deggan meelo ay ka mid yihiin Badhan, Dhahar iyo Taleex.
Dhanka kale, xisbiyo iyo siyaasiin mucaarad ah oo ka tirsan Puntland ayaa si weyn u dhaliilay heshiiska, iyagoo ku eedeeyay inuu khilaafsan yahay dastuurka Puntland isla markaana uu wax u dhimayo danaha shacabka iyo midnimada guud ee Soomaaliya.
Heshiiska Nairobi ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Somaliland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.
Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.
Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.
Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.
Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

