Puntland oo go’aanno adag kasoo saartay shir maanta lagu qabtay BOOSAASO

Boosaaso (Caasimada Online) – Shir ballaaran oo looga hadlayey amniga Puntland, gaar ahaan gobolka Bari ayaa waxaa maanta lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, kaas oo si weyn diirada loogu saaray arrima amniga.

Kulankaan ayaa waxaa guddoomiyey, Cabdisamad Abwaanka oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Bari, sidoo kalena waxaa goobjoog ahaa maamullada degmooyinka ee gobolka iyo saraakiisha ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Intii uu socday shirka waxaa lagu lafa guray arrimaha amniga, iyadoona laga soo saaray go’aanno la xiriira xoojinta nabad-gelyada.

Xubnaha shirka qeyb-galay aayaa isla go’aamiyey xoojinta amniga guud ahaan gobolka, la-dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada, ka hortagga falalka kufsiga iyo maan-dooriyaha.

Gabagabadii waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga.

Shirkan ayaa ku soo aadaya, kaddib dagaallo culus oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaas oo geystay khasaare xoogan.