Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa guul wayn ka sheegtay dagaalka ay degmada Dhahar kula galeen ciidamada maamulka Maakhir, kaas oo shalay iyo maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa gudaha Dhahar, isla markaana ay haatan si buuxdo gacanta ugu hayso magaaladaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in dagaalka oo sababay dhimasho iyo dhaawac laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, ayna ka dambeyso dawladda federaalka Soomaaliya.
“Ciidanka Booliska Puntland ayaa si buuxda u xakameeyay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada Dhahar, kadib markii kooxo maleeshiyo hubeysan oo sharci-darro ah ay weerar ku soo qaadeen ciidamada amniga oo ka yimid deegaanka Baraagaha-Qol. Weerarkan oo laga soo abaabulay Xamar ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Booliska Puntland waxay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo nabad-gelyada sharciga, iyo dowladnimada Puntland”.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Gaashaanle Sare Jaamac Maxamuud Gabayre, ayaa dhankiisa sheegay in kooxahan abaabulan ay isku dayayeen in ay carqalad ku abuuraan amniga iyo xasilloonida gobolka, hase yeeshee ciidanka booliska iyo kuwa amniga ayaa si geesinimo leh uga hortageen.
Puntland aya sidoo kale farriinu dirtay shacabka, iyada oo ugu baaqday in booliska ay kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaanka.
“Ciidanka Booliska Puntland waxay mar kale shacabka reer Dhahar ugu baaqayaan in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, ayna si degdeg ah ugu soo wargeliyaan cid kasta oo laga shakiyo falal amni-darro ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
Boqollaal qoys ayaa ku barakacay magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag oo ah xudunta dagaalka. Magaalada ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay kaddib markii ay odayaashu soo dhex galeen, balse xaaladdu weli waa ay cakiran tahay.
Ilo-wareed ayaa sheegay in dagaalkii Talaadada uu ka dhashay muran la xiriira waddo ay ciidamada Puntland qorsheynayeen inay isticmaalaan. Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas.
Puntland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay “colaad hurinayso,” halka dowladda federaalku ay ku andacootay in Puntland ay “xaaladda sii hurinayso.”
Labada dhinac ayaa isku eedeeyay inay ciidamo soo dhoobeen deegaanka, xaaladdan oo ay goobjoogeyaal ka faallooda arrimaha gobolku ku tilmaameen mid ay siyaasadi ka dambeyso.
Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan natiijo wayn lagu gaaray shirweynaha magaalada Laascaanood, taas oo ku aadan sidii ay maamul-goboleed rasmi ah u yeelan lahaayeen gobollada Sool iyo Sanaag, waxaana la dhisay guddigii soo xuli lahaa ergada, kaas oo ka kooban 8 xubnood oo SSC-Khaatumo ah iyo 8 kale oo Maakhir ah.