24.8 C
Mogadishu
Friday, October 3, 2025

Puntland oo hoos u dhigtay hadalkii kasoo yeeray Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo uu ku sheegay in ciidamo ka amar qaata ay ku sugan yihiin Puntland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamadan oo heer Federaal ah ay joogaan meelo kamid ah Puntland, isla markaana ay dagaalka geli karaan, balse aysan illaa iyo hadda codsi ka helin dhanka Puntland.

“Puntland waxay naga codsatay ma jirto haddiise loo baahdo Puntland waxaa jooga ciidamo Federaalka ka amar qaata oo daqiiqad kastaa dagaalka geli kara si weyn ayaan u garab taaganahay Puntland, dagaalka Daacishna caalama waa nagu kaalmeynayaa” ayuu Xasan ku yiri dhawaan wareysi uu bixiyay.

Saciid Deni oo ka jawaabaya hadalkaas ayaa sheegaya in ciidamo kasta oo maamulkiisa jooga ay yihiin ciidan reer Puntland ah, sidaas darteedna ay kalsooni ku qabaan oo aysan jirin cabsi ay ka qabaan.

“Anaga (Puntland) ciidan Dowlad Federaal oo meel uu jooga aan ognahay ma jirto,” ayuu yiri Deni oo shaki geliyay dhab ahaanshaha in ciidan heer federaal ah ku sugan yihiin deegaannada maamulka Puntland, isagoo muujiyay sida uusan cabsi uga qabin in loo adeegsado.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynayaa ciidamo kasta oo Puntland jooga, waa ciidan reer Puntland oo mar walba kalsooni baan ku qabnaa, cabsina kama qabno.”

Inkastoo si dhab ah loo ogeyn nooca ciidan ee ka amar qaata dowladda Xasan Sheekh ee ku sugan maamulka Puntland, haddana waxaa isa soo taraya suurta-galnimada in ciidamada kumaandooska ee Danab-ta Puntland ee uu hoggaamiya Jeneraal Jimcaale ay toos u hoos tagaan dowladda dhexe.

Sidoo kale ciidamada PSF ayaa iyaguna awaamiirta ka qaata Jeneraal Maxamuud Diyaano oo aysan xiriir wanaagsan lala hayn Madaxweyne Saciid Deni, in dhawaan ah gacan saar ah la lahaa Dowladda Federaalka.

Ciidankan ayaa bilihii la soo dhaafay mushaaraad ka helayay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii Jeneraal Asad Diyaano uu la wareegay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News