Ciidamada PUNTLAND oo ‘howl-gal qorsheysan ku qabtay’ xubno Shabaab ah

Boosaaso (Caasimada Onlin) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ciidamada ammaanka Puntland ay ka sameyeen gobolka Bari.

Howl-galka oo saacado badan qaatay ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen tuulada Marajo iyo dhulka Buuraleyda ah ee hoostaga sida Booje iyo Habar-hagoogane.

Saraakiisha horkaceysay howl-gallada ayaa sheegay in lagu qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha la qabtay ay miinooyin ku aasayeen waddada isku xirta Bali-khadar, Karin iyo degaano kale oo ka tirsan Bari.

Waxa kale oo ay saraakiishu tilmaameen inay gacanka ku shigeen maado ay Al-Shabaab u isticmaalayeen qaraxyada, ayna ka hortageen weeraro kale oo qorsheysan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay Puntland.

Maalmihii ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan dhulka buuraleyda gobolka Bari oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab & Daacish.