Puntland oo howlgal kula wareegtay deegaano lagu arkay kooxda Al-Shabaab

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada daraawiishta Puntland oo saacadihii la soo dhaafay gaaray gobolka Sanaag ayaa howlgallo ka sameeyey gudaha gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaas oo dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen deegaanka Gurya-Samo iyo tuulooyin hoos yimaada, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in u jeedkooda uu yahay, sidii looga hortagi lahaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku jooga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Si kastaba dhaq-dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Al-Shabaab ku dhowaaqay inay la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, walow markii dambe ay dib uga baxeen dagaalyahanadii lagu arkay qeybo ka mid ah gobolkaasi.