27.4 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Puntland oo jabisay heshiiskii Gaalkacyo iyo gaadiid dagaal oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay dib ugu soo laabteen Fariisimihii ay ku lahaayen goobihii lagu dagaalamaayay ee magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadaani ayaa ku hubeysan Gaadiid Dagaal iyo Hubka noocyadooda kala duwan, waxaana la tilmaamayaa inuu soo diray Wasiirka Amniga Puntland.

Ciidamada dib loo soo celshay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan 80 kuwaasi oo ay ka muuqato feejignaan.

Dib usoo laabashada Ciidamada Puntland ayaa ka danbeysay kadib markii ciidamo kala taabacsan labada maamul ay mar kale halkaasi kuwada dagaalameen.

Geesta kale, Labada maamul ayaa midba midka kale ka cabsanaaya inuu kusoo qaado duulaan gaadmo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News