25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo ka dhabeysay go’aankii ay ka gaartay doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Puntland joojisay doorashada ka socotay magaaladaasi.

War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland uuna ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in la joojiyay doorashada ka socotay magaaladaasi.

Nuqul kamid ah qoraalka uu ku saxiixan yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aan helnay ayaa lagu sheegay in Puntland  joojisay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka.

Waxaana la sheegay iney ka careysan tahay qeybinta xubnaha aqalka sare ee deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Puntland ayaa dooneysa in gobolada Sool iyo Sanaag ay wax ka helaan saamiga gobolada waqooyi ee Soomaaliya ku leeyihiin aqalka sare.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay gudiga doorashooyinka heer federaal oo arintan ay kaga hadlayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News