P/L oo 3 qodob shirka madasha kaga hadleysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirarka looga tashanayo qaabka doorasho ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qodobo dhowr ah oo ay soo jeediyan hogaanada ka qeyb galaya shirkaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ilaa seddex qodob oo quseeya amaanka iyo doorashooyinka diirada lagu saaray shirka madaxda wadatashiga qaran.

Xubno u hadlay Puntland ayaa sheegay in seddex qodob ay ugu muhiimsanaayeen shirka ilaa habeen hore ka dhacayay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana kamid ah:

  1. In laysa meeldhigo sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wanaagsan oo ummadda Soomaaliyeed u horseedda in la helo dawladnimo dhab ah oo soo celisa meeqaamkii dalka Soomaaliya uu kulahaa dunida.
  2. In si qoto dheer looga wada hadlo dhammaystirka dastuurka dalka oo hadda qabyo qoraal ah, isla markaana magaalada Garoowe ee Puntland lagu qabto shirka dhammaystirka qabyo qoraalka Dastuurka.
  3. In si dhab ah looga wada hadlo go’aanono looga soo saaro Amniga guud ee dalka oo hadda faraha kasii baxaya maadaama aanay jirin ciidamo qaran oo isku dhaf ah oo wata summada qaranka Soomaaliyeed oo ka hawl gala dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ugu weyn ee Amniga guud ee dalka gacanta loogu soo dhigi la’ yahay