26 C
Mogadishu
Thursday, November 6, 2025

Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka hor imanaya amarka e-Visa

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dal-ku-galka (Visa) ay bixinayso Wasaaradda Amniga ee Puntland, taas oo si toos ah uga hor imaneysa amarkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).

Go’aankan cusub ayaa maanta lagu gaaray shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland, kaasi oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ka hor inta uusan ka safrin Garoowe, uuna ku wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Golaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland dib-loogu celiyay adeega bixinta deganaanshaha ee ajaanibta.

“Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay shirka golaha.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa golaha la horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta gobollada maamulka Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad ah ku ansixiyey degmooyinka Ceelbuh iyo Baraagaha-qol, oo dhowaan uu degmooyin u magacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Sidoo kale, golaha ayaa waxaa loo qaybiyey wax-ka- bedelka Xeerka Maamulka gobollada, degmooyinka iyo dhismaha Dowladaha Hoose ee Puntland, kaasi oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si uu goluhu usoo akhriyo oo looga doodo ansixintiisa shirarka xiga ee golaha.

Ugu dambeyntiina, Wasaaradda Deegaanka ayaa golaha la wadaagtay warbixin iyo talo-soojeedin ku saabsan xal-u-helida, dhibaatada bacaadka fidaya ku hayo deegaannada Puntland.

Go’aanka cusub ee kasoo baxay Puntland ayuu maamulka uga hortagaya hanaanka e-Visa oo Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u dhaqan-gelisay.

Dhawaan, maamulka Somaliland ayaa diiday dal-ku-gal elektaroonig ah (e-Visa), kaasi oo dhigaya in rakaabka u safraya Soomaaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland in ay jartaan ka hor safarkooda.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si adag uga digtay in diyaaraduhu soo qaadan rakaab aan sidan e-Visa.

“Hay’adda Duulista (SCAA) waxay si rasmi ah u soo saartay ogeysiis iyo amar ku saabsan in si deg-deg ah looga dhaqan-geliyo habraacyo adag oo hubin ah dhammaan goobaha ay rakaabku ka dhoofaan. Waa in si gaar ah loo hubiyaa in dhammaan rakaabka u socda Hargeysa ay haystaan e-visada Soomaaliya ka hor inta aanay safrin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Hay’adda ayaa ku hanjabtay in shirkada duulimaadyada ee u hogaansami waaya arrintaan ay kusoo rogi doonto ganaaxyo maaliyadeed, iyo in la joojiyo duulimaadyadooda gudaha Soomaaliya.

Tan ayaa caqabad hor leh ku noqonaya shirkadaha diyaaradaha oo ayagu wajahaya awaamiir is-khilaafsan oo uga imanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada ay is-hayaan sida Somaliland iyo Puntland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland iyo Puntland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu bixiyo labo lacagood oo dal ku gal ah mid ka e-Visa ee Dowladda Federaalka iyo midka garoomada labadaas maamul looga baahan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News