Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in maamulka uu qorsheyneyso hawlgal weyn oo milatari, kaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Qaraaje, oo ku sugan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegay in ujeeddada hawl-galku tahay in si buuxda loo ciribtiro argagixisada dhibaatada ku heyso shacabka deegaanka.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ee deggan buuraha Calmadow ay gaysteen falal xun oo ka dhan ah dadka shacabka ah, kuwaasoo ay ku jiraan dilal qorsheysan iyo dhac baahsan.
Wuxuu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan, isla markaana qaar badan oo kamid ah si khasab ah looga barakiciyay guryahooda. Arrintaasi ayuu ku tilmaamay dambi culus oo u baahan jawaab adag oo degdeg ah.
Cabdirisaaq Qaraaje ayaa caddeeyay in hawl-galka cusub ee Calmadow uu noqon doono mid la mid ah kii hore lagu qaaday Daacish ee Calmiskaad, kaasoo lagu guuleystay in la jebiyo awooddii kooxdaasi. Wuxuu xusay in dowladdu aysan u dulqaadan doonin in kooxo argagixiso ah ay sii wadaan tacaddiyada ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolladaasi.
“Haddii Daacish laga takhalusay Calmiskaad, hadda waxaa xiga Calmadow. Shacabkii degaanka waxaa lagu sameeyay falal arxan darro ah oo ay kamid yihiin dil, dhac, iyo barakicin. Marka waxaa go’aan cad laga gaaray in kooxdaasi la wajaho, lana sugo amniga shacabka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Puntland ay haatan si weyn u wado diyaar-garow ciidan oo loogu tala-galay in lagu bilaabo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dadaalka maamulka Puntland uu ugu jiro in laga xoreeyo dhulkiisa kooxaha nabad-diidka ah.