25.2 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Puntland oo ku dhawaaqday inay bilowday howl-gallo cusub oo ka dhan ah afar jiho

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay bilaabeen hawl-gallo ballaaran oo ka dhan ah hubka sharci-darrada ah iyo maandooriyaha.

Booliska oo wargelin muhiim ah u diray shacabka reer Puntland ayaa sheegay in la bilaabay hawl-gallo amni oo ballaaran oo lagu xaqiijinayo xasilloonida, ilaalinta sharciga iyo badbaadada guud ee bulshada.

“Hawl-galladani waa qayb ka mid ah qorshaha istiraatiijiga ah ee xoojinta amniga dalka, laguna bartilmaameedsanayo falalka amni-darrada, hubka sharci-darrada ah, iyo dhaqdhaqaaq kasta oo lid ku ah nabadda iyo kala dambeynta bulshada,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland.

Taliska ayaa si gaar ah wuxuu digniin ugu diray afartan jiho:

• Qof kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaata magaalooyinka.

• Qof kasta oo wata gaadiid aan taariko lahayn ama aan diiwaan-gelin rasmi ah heysan.

• Qof kasta oo isticmaala, iibiyo, ama ku lug yeesha maandooriyeyaasha.

• Qof kasta oo isku ekeysiiya ciidan ama si sharci-darro ah u adeegsada dharka iyo astaamaha ciidamada amniga.

Ciidanka Booliska ayaa caddeeyay in tallaabo sharciga waafaqsan oo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda falal amni-darro, khatar ku ah amniga bulshada, ama carqalad ku ah hawlgallada amniga ee socda.

“Shacabka Puntland waxaa lagu boorinayaa inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, kana qayb qaataan ilaalinta xasilloonida iyo dawladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Sidoo kale waxa lagi yiri Amniga Puntland waa masuuliyad qaran iyo mid bulsho oo wadajir ah.Haddii aad aragto fal dambiyeed, qof laga shakiyey, ama xaalad amni oo halis ah, la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo wacaya 999.”

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay inay 24/7 diyaar u yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka iyo sugidda nabadda maamulka.

Hawl-galladan cusub ayaa imanaya xilli dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyey booliska maamulka Puntland, isla markaana ay magaalada Garoowe soo gaareen ciidamo cusub oo ka tirsan booliska Puntland, kuwaas oo la wareegaya ammaanka guud ee caasimadda.

Ciidamada cusub oo ah jiil aqoonyahano ah, tababar iyo anshax sare leh, ayuu taliska booliska sheegay inay u taagan in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan daacadnimo, kalsooni iyo dulqaad.

Sidoo kale waa ciidamo matalaya ruuxda dawladnimo, una taagan xaqiijinta amniga iyo ilaalinta sharciga, sida uu sheegay talisku. Ciidankan la wareegay amniga caasimadda maamulka Puntland ayaa bishii October wuxuu Madaxweyne Saciid Deni uu tababar ugu soo xiray kulliyadda Carmo.

- Advertisement -

Read more

Local News