25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo lasoo baxday Gaadiidka Dagaalka & Cabsi ka taagan Qandala

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Madxaweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu amar ku bixiyay in banaanka loo soo saaro dhammaan gaadiidka dagaalka Puntland.

Madaxweynaha maamulka oo kulan aan caadi aheyn la qaatay Taliyayaasha iyo Saraakiisha Puntland ayaa amar ku bixiyay in magaalada Qandala laga saaro Daacishta Somalia oo uu sheegay inay ku sal ballaarsanayaan deegaanka.

Madaxweyne Gaas waxa uu sidoo kale Taliyayaasha iyo Saraakiisha ku amray inay diyaariyaan ciidamo kasoo bixikara xoreynta magaalada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari.

C/wali Gaas waxa uu sidoo kale, sheegay in marnaba uusan aamini doonin in deegaanka Qandala ay si toos ah uga bixi doonaan Daacishta Somalia, waxa uuna cadeeyay in deegaankaasi mudada ay ku dhuumaaleysanayaan ay ka dhex sameysan doonaan unugyo yaryar oo iyaga u matala deegaanka, waa haddii ay dhacdo inay ka baxaan deegaanka.

Madaxweynaha maamulka, Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa isla fahmay in deegaanka Qandala uu u baahan yahay in laga xoreeyo Daacishta Somalia.

Gaadiidka dagaalka ee uu amray Madaxweyne C/wali Gaas ayaa laga soo saarayaa Xarunta weyn ee Ciidamada Milliteriga Puntland ku leeyihiin magaalada Bosaso, waxaana sidoo kale lagu biirin doonaa Ciidamo kale.

Xaalada deegaankaasi ayaa ah mid qasan waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco iska hor imaad.

Dowlada Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhaq dhaqaaqa Dagaalyahaanada Daacishta Somalia ka wado nawaaxiga degmada Qandala ee gobalka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News