26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Puntland oo la wareegtay agaasimihii kufsiga loo haystay

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in maanta ay la wareegeen agaasimihii hore ee isbitaalka Qardho, Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) oo ku eedeysan kufsi uu u gaystay gabdho iyo muuqaallo anshax xumo ah oo uu ka duubay.

Puntland ayaa sheegtay in eedeysanaha oo dhawaan laga soo qabtay dalka dibaddiisa ay kala wareegtay INTERPOL, isla markaana wareejinta ay ka dhacday magaalada Garoowe.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Booliska Puntland ayaa intaasi ku daray in eedeysanaha uu mari doono baaris kale oo dheeri ah, lana horgeynayo cadaaladda, si looga qaado tallaabo sharci ah.

“Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in eedeysane Jaamac Cabdi Maxamuud  (Ildab) laga soo dajiyay garoonka Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa kala kaashatay Booliska caalamiga ah ee INTERPOL, isaga oo laga soo qabtay dalka Rwanda.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa baaris uu sameeyay waxa uu ku ogaaday Eedaysane Jamac Cabdi Maxamuud Ina Maryan Maxamed Cismaan oo baxsad ahaa uu ku suganyahay wadanka Ruwanda, kaas oo ku eedaysan Kufsi, Duubis iyo Baahin Muuqaalo Anshax xumo oo ku sameeyay Gabdho Soomaaliyeed kana gaystay Magaalada Qardho” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Si kastaba, Kiiskan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan waxaana laga war dhowrayaa sida loo xakameeyo, maadaama lasoo qabtay eedeysanaha oo mudo ka dhuumanayay cadaaladda.

- Advertisement -

Read more

Local News