26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ajaaniibta

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboledka Puntland ayaa mar kale maanta qaadday tallaabo culus oo ka dhan ah muhaajiriinta kusoo qul-qulaya deegaanadeeda, waxayna soo saartay go’aanno culus oo horleh.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Saiciid (Juxa) ayaa qaabilay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda UNHCR, isaga oo kala hadlay xal u helidda qul-qulka ajaaniibta imaanaya Puntland, maadaama ay haatan la daala dhacayan xaalad amni oo ka dhalatay dagaalka culus ee ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Labada dhinac ayaa isku afgartay illaa 6 qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo looga hortagayo qul-qulka muhaajiriinta u badan Itoobiyaanka ee soo gaara maamulkaasi.

Puntland ayaa gebi ahaan joojisay inay soo dhaweyso qaxooti cusub, xaaladda amni ee ay gashay awgeed, waxaana go’aankan ay la wadaagtay hay’adda UNHCR.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo qaaday barnaamijka xalka waara, si loo caawiyo dadka kasoo barakacay deegaannada ay haatan ka socdaan howlgallada culus.

Qodobada xasaasiga ah ee lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah:-

  1. Xal u helidda qul qulka muhaajiriinta ka imaanaya Dalka Ethiopia.

2.Joojin in Puntland ay qabato qaxooti cusub xaaladda amni ee soo korartay awgeed.

  1. Dib u eegista Puntland Declaration of Prima Facie oo awal hore loo soo saaray April 2016.
  2. Hubinta iyo dib u eegista xaaladda guud ee qaxootiga Puntland ku nool ee haysta diiwaangalinta Rasmiga ee Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
  3. Sidii loo soo afjari lahaa barakacnimada dadka Soomaaliyeed ee mudda dheer ku noolaa xeryaha barakacayaasha gudaha Puntland.
  4. Dardargelin barnaamijka xalka waara ee dadka u baahan in xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la taageero.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xalay Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey ajaaniibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada maamulkaasi, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.

- Advertisement -

Read more

Local News