26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

PUNTLAND oo hal shardi kaliya ku xirtay shirka uu iclaamiyey Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa si cad u sheegtay in aysan ka qeyb geli doonin shirka uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ilaa iyo inta Villa Somalia ka laabaneyso isbeddelladii lagu sameeyay dastuurka dalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland ay mowqif cad ka taagan tahay arrimaha dastuurka, isla markaana aysan aqbali doonin wax ka beddel lagu sameeyo dastuurkii lagu heshiiyay ee dalka, iyadoo aan la helin wadatashi qaran iyo heshiis cusub oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada Soomaalida.

“Dowladdu ha xaqiiqsato in muddo-xileedkeedu gebogabo yahay, waxaana loo baahan yahay in laga wada hadlo doorasho la isla oggol yahay, iyadoo lagu saleynayo dastuurkii hore ee lagu heshiiyay. Dastuur beddel la iska rabo in lagu kororsado muddo-xileed, doorasho laguma geli karo,” ayuu yiri Wasiir Dirir.

Isagoo ka falcelinayay warqaddii casuumaadda shirka ee ka timid Madaxtooyada Qaranka, ayuu Wasiir Caydiid tilmaamay in warqaddaasi aysan caddeyn cidda si rasmi ah loogu casuumay iyo cidda laga tagay, taasoo uu ku tilmaamay “isku dhex-karis”.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wada-hadal qaran oo salka ku haya heshiis iyo dastuur mideysan, balse aysan aqbali doonin isbeddello ku yimaada hanaanka dastuuriga ee dalka iyadoo aan la helin wakiillada dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hadalkan kasoo baxay Puntland ayaa imanaya xilli uu dalka wajahayo jahawareer siyaasadeed oo ku saabsan isbeddelada dastuuriga ah, qorshaha doorashada, iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe si adag uga soo horjeeday wax ka beddelka dastuurka, iyadoo ku doodaysa in arrimaha noocaas ah ay u baahan yihiin wadatashi qaran oo ay qeyb ka yihiin dhammaan maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News