25.3 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

Puntland oo qabatay Daacish Sucuudiyaan ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen dagaalyahan ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaasoo u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada ammaanka, ninkan ayaa la qabtay intii lagu guda jiray howlgal culus oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

“Ciidanku waxay qabteen nin Ajanebi ah oo ka tirsana Firxadka Argagixisada Daacish, waxaa laga qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee Togga Baallade – Calmiskaad, wuxuu sheegtay inuu u dhashay Saudi Arabia” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa baahiyay sawirrada ninka ajnabiga ah ee la qabtay, isaga oo ay hareeraha ka joogaan ciidanka ammaanka.

Eedeysanuhu ma uusan la socon wax koox ah xilligii la qabtay, waxaana ciidanka ay ku wareejiyeen hay’adaha ku shaqada leh.

Horay sidaan oo kale ayay Puntland gacanta ugu dhigtay rag ajaaniib ah oo ka tirsanaa Daacish, waxaana ugu dambeeyay nin Turkish ah oo bishii June ee sanadkan la qabtay.

Ninkaas oo aan magaciisa la shaacin ayaa sidoo lagu qabtay qori AK-47 ah oo uu watay, xilli uu biyo ka dhaansanayay ceel ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Howlgalladan oo ay qayb ka yihiin dalal shisheeye ayaa waxaa sidoo kale lagu khaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News