Puntland oo shaacisay inay xirmeen 21 iskuul + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka waxbarashada xaaladaha deg deg ah ee Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa looga hadlay culusyada soo wajahaya ardayda iyo goobaha waxbarasho ee maamulkaasi.

Qoraal dheer oo ka soo baxay shirka ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay wajahayso xaalado adag oo isugu jira isbedalka cimilada, abaaro dabo dheeraday, duufanno, aafadda ayaxa, rabshado iyo xanuunka COvID-19, Isla markaana dhibaatooyinkaasi ay ka dhasheen barakac baahsan.

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo sharraxaad ka bixineysay saameyta ay abaarta ku yeelatay waxbarashada ayaa xaqiijisay inay xirmeen illaa 21 iskuul oo ay dhiganayeen 8,624 arday, sido kale abaartu ay saamaysay 65,320 arday dhamaan goboladda Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in si wax looga qabto xaaladdaan adag, ay wasaaradda waxbarashada, iyada oo kaashanaysa mashruuca waxbarashada, haya’dda badbaadada Caruurta (Save the Children) ay qabteen shirweyne looga hadlayey xaaladda ka sii daraysa ee abaarta iyo saamaynta ay ku leedahay waxbarashada, waxaana shirka ka qay bgalay dhamaan bahwadaagta waxbarashada o ay ku jiraan saraakiisha maamulka, hay’adaha gargaarka QM iyo kuwa aan dawliga ahayn, bulsha-weynta Puntland, Ganacsatada iyo Qurbajoogta.

Shirku wuxuu soo jeediyay qodobada hoos ku xusan ee ku aadan Ka jawaabidda baahiyaha Waxbarashada xaaladaha deg-dega ah.

  1. In Puntland abaabusho iskuna dubariddo dhaqaalihii wax looga qaban lahaa saamaynta abaartu ku yeelatay Waxbarashada.
  2. Shirku waxa uu garowsaday ugana mahadnaqay Puntland dhismaha guddiga abaaraha oo ka kooban Maamulka, Ganacsatada, Qurbajoogta, Culimada iyo gaybaha kala duwan ee bulshada.
  3. Shirku waxa uu dhirigeliyy dardar-galinta taageerada deeq bixiyaasha ee ku aadan wax ka qabadka abaarta.
  4. In bah-wadagta Waxbarashadu dib u eegis kusamayso mashaaricda socda, dib-u-qaabeyn dhamaystiran oo ka jawaabeysa baahiyaha taagan.
  5. Adeegyada quudinta, biyaha iyo nadaafadu waa kuwa ugu mudan ee u baahan wax ka qabad.
  6. Shirku waxa uu garowsaday baahida loo qabo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Waxbarashada xaaladaha deg-degga ah iyo gorshayaasha mustaqbalka.
  1. Shirku waxa uu dhirigelinayaa baararujinta iyo wacyl-gelinta bulshada si loo xaqijiyo in barayaasha yo ardayduba dib ugu laabtaan dugsiyadi abaaruhu saamayeen.