25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Puntland oo shaacisay go’aankeeda u dambeeya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online)- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cameey oo wariyaasha kulahadlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa ka hadlay shirarkii ugu dambeeyay ee magaalada Garowe iyo halka ay wax marayaan.

Mr Cameey oo maanta tagay Boosaaso ayaa si cad u sheegay in wali Puntland ay badalin mowqifkeedii hore ee ahaa diidmada nidaamka danta ugu jiro dowlda haatan talada dalka heysa.

Cameey ayaa tilmaamay in dowlada Soomaaliya aysan albaabka ka xirineynin, laakiin go’aanka 4.5 uusan marnaba u cuntameynin maamulka Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney socdaan wadahadalo u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in go’aankooda ugu dambeeya uu yahay diidmada nidaamka 4.5 laakiin ay sii soconayaan wadahadalada u dhaxeeya dowlada iyo maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Bari
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News