Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga la bilaabi doono qorshaha aqoonsiga cusub ee Puntland, kaasi oo maamulka uga hortagayo kan Dowladda Federaalka ee NIRA.
Shirka Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa lagu go’aamiyay in 1-da January 2026 la hawl-geliyo hay’addii qaban laheyd shaqada bixinta kaarka aqoonsiga cusub ee Puntland.
“Goluhu wuxuu isku raacay in 1-da January 2026, la hawl-geliyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Puntland ee (PID),” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada Puntland.
Sidoo kale, golaha ayaa ku dhawaaqay in dal-ku-galka (Visa) ay bixinayso Wasaaradda Amniga ee Puntland, taas oo si toos ah uga hor imaneysa amarkii kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa).
“Shirka Golaha Wasiirada waxaa lagu go’aamiyey in Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland dib-loogu celiyay Adeega bixinta deganaanshaha iyo dal-ku-galka Baasaboorada Ajanebiga yimaada Puntland,” ayaa lagu yiri go’aannada kasoo baxay shirka golaha.
Puntland ayaa bilooyin ka hor si cad uga hortimid kaarka aqoonsiga qaranka oo Dowladda Federaalka ka bilowday magaalada Laascaanood iyo Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta ay maamusho Galmudug.
Puntland ayaa markaas ku hanjabtay in tallaabo adag ay ka qaadi doonto qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maamulka ayaa gaarsiiyay illaa heer in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, inkastoo aysan si faah-faahsan u sheegin xuquuqda uu waynayo qofka qaata kaarka NIRA.
Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan ayey ku sheegtay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.
Horey Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.
Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

