27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Puntland oo sheegtay waxa ay doorashadii ay qabatay 2023 uga duwan tahay tan DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si adag uga jawaabay hadal uu horay u sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku tilmaamay in doorashada “qof iyo cod” ee Madaxweyne Xasan Sheekh qabanayo ay la mid tahay tii Puntland uu ka qabtay Madaxweyne Siciid Deni.

Dirir ayaa sheegay in doorashada Puntland ka dhacday dhammaan degmooyinka maamulka iyadoo xisbiyadu ay si xor ah ugu samaynayeen olole iyagoo ammaan dareemaya, halka uu sheegay in Dowladda Federaalka aysan haysan amni lagu kalsoonaan karo oo u saamaxaya in ururrada siyaasadeed ay si xor ah uga ololeeyaan Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay gacanta ku hayso.

Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu dhaliilay nidaamka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha ee Dowladda Federaalka isagoo ku eedeeyay in dadka is-diiwaan-gelinaya ay yihiin kuwo marar badan la diiwaan-geliyey qofkii, taas oo uu sheegay inay meesha ka saarayso hufnaanta iyo caddaaladda doorashada.

Caydiid wuxuu sheegay in doorasho dimoqraadi ah oo dhab ah lagu qaban karo Soomaaliya marka la helo amni guud oo lagu kalsoonaan karo isla markaana xal waara laga gaaro caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska dalka, maadaama weli ay jiraan dhulal badan oo aan si buuxda uga talin Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa sanadkii 2023 ku guuleysatay inay doorashooyin qof iyo cod ah ka qabato ilaa 36 degmo oo dhammaan deegaanadeeda ah, taas oo lagu doortay golayaasha deegaanka. Hase yeeshee Puntland ayaa ka hor timid qorshaha Dowladda Federaalka ee doorashada qof iyo cod, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu faragelin ku sameeyay Dastuurka KMG ah isla markaana siyaasadeeyay geeddi-socodka wax ka beddelka dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Dowladda Federaalka ayaa ku doodaysa in dalka loo diyaarinayo doorasho toos ah oo tartiib tartiib ah u hirgasha, iyadoo la dhisayo hay’adaha doorashada, la dejinayo xeerarka farsamo, lana hormarinayo tiknoolojiyadda diiwaan-gelinta. Villa Somalia ayaa marar badan ku celcelisay in “qof iyo cod” ay tahay hadaf qaran oo waqti iyo wada-qaadasho u baahan, ayna muhiim tahay in maamul-goboleedyadu kaalin muuqata ka qaataan.

Dhanka kale, Puntland iyo mucaaradka federaalka ayaa cabsi ka muujinaya faragelin siyaasadeed oo saameeya tartanka, iyagoo sheegay in is-beddellada dhaqangalka sharciyeed iyo waqtiyeynta ololaha aysan si ku filan u dammaanad qaadayn kalsooni iyo masrax loo siman yahay. Waxa kale oo la tilmaamaa in amni-darro joogto ah, kala-maamul iyo kaabayaasha doorasho ee qaar ka mid ah gobollada ay tahay caqabad weyn oo u baahan xal siyaasadeed iyo amni oo ka horreeya bilaabista olole ballaaran.

Mucaaradka qaarkood ayaa sidoo kale ku doodaya in dowladda aysan dhab ka aheyn doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti dhumis ah oo dhabbaha loogu xaarayo in muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News