25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Puntland oo soo iibsatay diyaarado dagaal + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inuu soo iibsaday diyaarado dagaal oo cusub, kuwaas oo qeyb ka noqonaya dagaalka socda.

Afhayeenka howl-galka la-dagaalanka Daacish ee Hillaac, Gen. Maxamuud Axmed Faadhigo ayaa xaqiijiyay in diyaaradahan dagaal ee Puntland sooo iibsatay ay gaarayaan illaa afar diyaarad oo ku biirya howl-gallada ka socda buuraha Calmiskaad.

Jeneraal Faadhigo ayaa sheegay in diyaaradahaan ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan howlaha sahanka iyo duqaymaha ee ciidamada Puntland. Tallaabadan ayuu ku sifeeyay mid ka mid ah qorshayaal lagu tayaynayo ciidamada maamulka, si loo daboolo baahiyaha dagaalka iyo meelaha ay horey u adkayd in ciidamadu si fudud u gaaraan.

Inkasta oo uusan afhayeenku faah-faahin halka ay diyaaradahaasi kasoo iibsadeen, iyo in dowlad kale ka bixisay dhaqaalahooda, haddana wuxuu caddeeyay in Puntland ay si madax-bannaan u soo iibsatay diyaaradahan iyadoo aan cidna kaalmo ka helin.

Wuxuu carabka ku dhuftay in diyaaradahani yihiin kuwo tayo leh oo wax weyn ka beddeli kara awoodda hawl-galka ciidamada.

Sida uu sheegay Jeneraal Faadhigo, diyaaradaha ayaa si gaar ah muhiim ugu noqon doona inay ciidamada gaarsiiyaan meelaha aanay gaadiidka kale geli karin, taasoo ahayd mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagnaa ciidamada Puntland. Waxa uu tilmaamay in diyaaradahani ay fure u noqon karaan guulaha la rajeynayo in laga gaaro dagaalka Daacish.

Si kastaba, diyaaradahan cusub ayaa kusoo aadaya xilli uu hakad kooban ku yimid howl-galladii ka socday togga Miiraale, kadib markii ay adkaatay in kooxda Daacish halkaas laga sifeeyo.

Waxaa la filayaa in diyaaradahan ay qeyb ka noqdaan wajiga afaraad ee howl-galka Hillaac oo uu dhawaan madaxweyne Deni shaacin doono, iyadoo sidoo kale la tababarayo ciidamo gaar ah oo ku shaqeyn doona diyaaradahaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News