Garoowe (Caasimada Online) – Go’aan kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu mamnuucay gaadiidka muraayadaha madow ee laga isticmaalo gudaha magaalada.
Maamulka waxa uu sheegay in amni darida kaalin weyn ay ka qaatan gaadiidka muraayadaha madow, waxa uuna maamulka ku goodiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii lagu arko iyada oo sidata gaari muraayado madow leh.
Jeneraal Cabdrisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud oo ah Taliyaha booliiska Puntland ayaa sheegay in babauurta muraayadaha madow ay ku xiran yihiin lagu qaado dadka wada falalka amni darro ama qaraxyada ee la qarinayo.
Afgaduud ayaa sheegay in baabuurtaas loo ogol yahay kaliya inay isticmaalaan madaxda sare ee Puntland sida madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamanka.
Afgaduud wuxuu shaaca ka qaaday in awaamiirtan ay tahay nooceedii ugu dambeysay oo lagu soo roggo Magaalooyinka Puntland, cid kasta oo dhegaha ka fureystana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Docda kale, Afgaduud ayaa waxaa uu laamaha ammaanka ku amray in gaadiidka ay ka qaadaan dadka wata kuwa beensalka leh, islamakaana ay dacwado ku soo ooggaan.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]