PUNTLAND oo soo saartay war deg deg ah kadib arrin ka billaabatay GAROOWE

Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Booliska Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been-abuur ah oo ay sheegeen in laga faafiyay amniga caasimadda Garoowe.

Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska Puntland ayaa lagu beeniyay wararka ku saabsan in khatar amni ay ka jirto Garoowe, xilli dad badan oo ka cabsi qaba dagaal mar kale qarxa ay ka baxayaan magaalada.

Taliska dadweynaha caasimadda ku wargeliyay in aysan dhegaysan been-abuurka ay faafinayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen cadowga Puntland.

Warkan ayaa soo baxay kadib shir gaar ah oo ay xaaladda Garoowe ka yeesheen guddiga amniga gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka.

“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Mataan.

Hadalka mas’uuliyiinta ayaa imaanaya iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in dhiillo colaadeed ka jirto Garoowe, islamarkaana ay suurta-gal tahay dagaal mar kale qarxa.

Wararkaas la faafiyay ayaa sababay bara-kac ka billowday xaafadaha Garoowe qaarkood gaar ahaanna xaafadda Halgan oo dad badani ka guureen.

Xaaladda Garoowe ayaa hadda degan kadib heshiis xabad-joojin ah oo la dhex dhigay maamulka Saciid Deni iyo mucaaradka kasoo horjeeda qorshe ay sheegeen inuu doonayo inuu muddo kororsi ku sameeyo.

Dagaalkii magaalada ka dhacay Talaadadii ayaa waxaa ku dhintay 26 qof oo 16 ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii dagaalamay, ayada oo 30 kalena ay ku dhaawacmeen.