27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Puntland oo tallaabo culus ka qaaday mas’uul amaanay madaxweyne Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Hanti-dhowrihii gudaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha maamulkaas, Abwaan Raage Axmed (Ciiro), kaas oo shalay gabay ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Abwaanka ayaa kasoo muuqday munaasabaddii loogu dabaal-daggay sanad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shalay lagu qabtay Muqdisho, uuna ka qayb-galay Madaxweynaha.

Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Cumar Cabdisamad Yuusuf ayaa shaqada looga joojiyay Abwaan Ciiro, iyada oo sidoo kale laga jartay mushaarkii uu qaadanayay.

“Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DPL Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux wuxuu shaqada iyo mushaarka ka joojiyay Raage Axmed Xasan oo ah Hanti dhowraha gudaha ee Wasaaradd Xanaanada iyo Xoolaha Dowladda  Puntland” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Wasiirku.

Wareegtada ayaa lagu caddeeyay in Abwaan Raage Axmed Ciiro uu ku xadgudbay go’aankii horay uga soo baxay Puntland ee xiriirkii wada shaqeynta loogu jiray dowladda dhexe, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

“Markuu arkay go’aanka Golaha Xukuumadda Dowladda ee soo baxay 31 Maarso 2024, kaas oo lagu go’aamiyay in Dowladd Puntland xiriirkii wada shaqeyneed ay u jartay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa mar kale lagu yiri warqadda shaqada looga joojiyay Abwaan Ciiro.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Markuu garowsaday in Raage Axmed Xasan oo ah Hanti dhowraha gudaha ee Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha Dowladda uu ku xadgudbay qodobada sare ku xusan” ayaa mar kale lagu yiri go’aanka shaqo joojinta”/

Dhinaca kale, xog ay heshay Caasimada Online ayaa waxa ay ku ogaatay in haatan Abwaanka looga yeeray xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadib markii ay dowladdu ka war heshay go’aanka shaqada looga joojiyay, iyada oo la filayo in Xamza uu xafiiskiisa ku qaabilo, si arrintiisa ay dowladdu uga garaawdo.

Puntland ayaa horay sidaan oo kale tallaabo uga qaaday mas’uuliyiin, askar iyo shaqsiyaad kale oo toos ula saftay Dowladda Federaalka oo uu weli kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo saameeyay xiriirkii Muqdisho iyo Garoowe.

- Advertisement -

Read more

Local News