Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa Axaddii war-saxaafadeed adag ku cambaareysay tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyay in uu si sharci-darro ah u farageliyo hannaanka dowlad-dhiska iyo heshiisyadii siyaasadeed ee dalka lagu dhisay tan iyo 2012.
War-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu sheegay in mar kasta oo ay khilaaf siyaasadeed ka dhex dilaaco Villa Somalia iyo maamul-goboleedyada, ay halis galinayso midnimada iyo nabadgelyada Soomaaliya.
“Dowladda Puntland waxay marar badan ugu baaqday madaxda dowladda federaalka inay dhageystaan baaqyada ka soo baxa saamileyda siyaasadda dalka, isla markaana ay dhowraan dastuurka ku-meel-gaarka ah ee lagu doortay madaxweynaha JFS bishii May 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Puntland waxay ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu hareer maray heshiisyadii siyaasadeed, isla markaana uu isku dayayo inuu kala qaybiyo hay’adaha dastuuriga ah iyo ururrada siyaasadeed ee dalka.
“Dhaqanka faragelinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah wuxuu salka ku hayaa rabitaanno shakhsi ah oo khatar ku ah mustaqbalka dalka, isagoo horseedi kara burbur siyaasadeed iyo amni darro,” ayaa lagu daray qoraalka.
Puntland waxay sidoo kale taageertay baaqii ay shalay soo saareen Madasha Samatabixinta, kaas oo ku baaqayay in Madaxweynaha JFS uu xilka ku wareejiyo dowladda cusub 15-ka May 2026, isla markaana la qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waafaqsan dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012.
“Waa in dalka loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dhab ah, si looga gudbo xaalada qalafsan ee hadda taagan, ayna u qabsoomaan doorashooyin sharciyeysan,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland
Ugu dambeyntii, Puntland waxay ku adkaysatay inay diyaar u tahay wada shaqeyn siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka iyo heshiisyadii hore, si looga hortago in dalka uu ku laabto mugdi siyaasadeed.
“Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed u sheegaysaa inay ka feejignaadaan dhagarta argagixisada iyo burburinta dowladnimada. Waa in si wadajir ah looga hortago Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo khatar ku ah jiritaanka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.
Bayaanka Puntland ayaa daba socday war-saxaafadeedyo ay soo saareen dhinacyada kale ee ay is-hayaan dowladda federaalka ee Jubaland iyo mucaaradka Madasha Samatabixinta.
Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka weecatay dhammaan ajandeyaashii muhiimka ahaa, sida dagaalka Khawaarijta iyo ilaalinta midnimada dalka.
Sidoo kale, Jubbaland ayaa xoojisay dadaallada lagu doonayo wadatashi qaran. “Jubaland waxay aaminsan tahay in badbaadada dalka ay ku jirto talo wadaag qaran iyo hoggaan dhab ah oo mas’uuliyad ka qaata mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.