25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Puntland oo xayiraad kusoo rogtay gaadiid u socday Koonfurta kuna xirtay wax aysan ka bixi karin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo oo ku yaalla Waqooyiga gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland, ay halkaasi ku xayireen gaadiid  u rararnaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in labaddii maalmood ee lasoo dhaafay ay ku xayirnaayeen degaanka ka dib markii lagu rogay Canshuur Xad dhaaf ah oo aysan bixin karin.

Gaadiidka ayaa horay u bixin jiray lacag dhan  $40 Dolllar halka hadana lagu sii daray $20 Dollar oo kale iyadoona wadarta guud ee lacagtaasi ay noqonayso $60 Dollar.

Maamulka Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Mudug ayaa gaadiidleyda u sheegay in lacagtaan lagu difaaci doono gobolka Sool oo inta badan ay ku dagaallamaan Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News