Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u digay dalalka reer galbeedka, isagoo sheegay in weerar ay ciidamadiisu ku qaadeen shalay bariga Ukraine ee Dnipro uu ahaa mid loo adeegsaday gantaal cusub oo ah kuwa riddada dhexe”.
Putin ayaa sheegay in gantaalka nooca Oreshnik uu jawaab u ahaa adeegsiga Ukraine ee gantaallada riddada dheer ee Mareykanka iyo Ingiriiska oo lala bartilmaameedsaday gudaha qeybo kamid ah dalka Ruushka.
Putin ayaa ku goodiyay in Ruushka uu weerari karo xarumaha militariga ee dalalkaas ee Ukraine u ogolaaday in hubkooda qaabkaas u adeegsadaan.
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Ukraine u fasaxay inay adeegsato gantaallada nooca riddada dheer ee ATACMS iyo Storm Shadow ee UK.
Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer, iyadoo marar badan ay Kyiv ugu baaqay xulafadeeda reer galbeedka inay ogolaadaan adeegsiga gantaallada riddada dheer ee lagu weerarayo gudaha Ruushka, taas oo ay ku dooday “habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.”
Ukraine ayaa maalmo kahor markii ugu horreysay Ruushka ku weerartay dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaas oo kamid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine, iyadoo tallaabadaasi lagu beegay maalinti kunaad ee kasoo wareegatay billowga dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaallada loo yaqaanno ATACMS, hase yeeshee gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba kamid ah.
Sarkaalku waxa uu sheegay in Mareykanku uu weli qiimaynayo khasaaraha dagaalka, balse waxa uu sheegay in gantaalladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka.
Adeegsiga gantaalladaasi ee Ukraine iyo digniinta Moscow ayaa laga cabsi qabaa in ay sii huriso xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo xulufada galbeedka ee taageera Ukraine.