Q. 2-aad: Qiso xanuun badan oo ku dhacday wiil iyo adeerkiis Somali ah.

Qeybtii 1aad ee qisadan xanuunka badan ayaa intii la socotay waxay inoo joogtay Axmed Saadaq iyo Sacdiyo Cumar oo ah wiilka iyo gabadha dhalinyarada ee sawirkooda meesha idinkaga muuqdo oo ay asiibtay caado ay inta badan Soomaalidu ku dhaqmaan oo ah in hantiilaha la daryeelo balse diifta iyo daruufta ka muuqata danyaraha jaceylku wado aan la eegin.
Qeybta 2aad ayaa inooga bilaabanaysa maanta .

Waxaa taa kasii daran ka sokow dhaqaale xumida, inay arintu sii cuslaatay markii wiilka waalidkiis halkii uu ka sugaayey inay u doonaan gabadha ay iyaga is laheysiiyeen gabadha (waxaan taa ula jeednaa in aderekiis Yuusuf Khaliif (47 jir) oo ka yimid dibadda uu gabadha la gaclooday Axmed Saadaq).

Axmed Adeerkiis oo ka yimid Kanada, ayaa arkay Sacdiyo Cumar oo ah saaxiibo isku dhinta ahaayeen Axmed Saadaq oo iyadu guriga ugu timid isaga si ay usoo salaanto maadaama uu dalku in badan kamaqnaa, balse Adeer Yuusuf ayaa si gaar ah usoo dhaweeyey Sacdiyo isagoo u muujinaya rabitaan iyo ka helitaan iyada xageeda uu ka dareemay durbadiiba.

Intaa ka dib Cismaan Khaliif oo isna adeer u ah Axmed Saadaq, ayaa wuxxuu Yuusuf Khaliif gacan ku siiyey sidii uu ku heli lahaa Gabadha, isagoo u balamiyey dhowr jeer oo uu guriga ugu keenay, weliba si qarsoodi ah oo uusan fahamsaneyn Wiilka ay Jaceyl-wadaaga yihiin ee Axmed.

Axmed aad ayuu uga carooday tallaabooyinka uu qaaday Adeerkiis Cismaan oo si weyn uga dharagsanaa xiriirkiisa jaceyl ee Sacdiyo kala dhaxeeya, wuxuuna is weydiiyey in qorshuhu yahay in isaga mustaqbalkiisa mugdi la geliyo, balse waxaa durbadiiba Axmed Saadaq ku dhashay go’aan ah inuu si toos ah arintan iyo ujeedada ka dambaysa uu ka waraysto Gabadha qudheeda oo maalmihii ugu dambeeyey xiriirkooda ay noqdeen kuwo goos goos ah.

Axmed oo ku sugan K/Afrika, ayaa si deg deg ah telefoon uga wacay saaxiibtiisa rumaad ee noloshiisa uu ka jecel yahay, waxaan dhex martay sheekadan….. La soco Qeybta 3aad ee Qisada.

Email : – midnimo102@hotmail.com