26.6 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Janaale oo la keenay Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa galabta la keenay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarax maanta duhurkii ka dhacay Suuqa Xoolaha ee degmada Janaalle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha degmadaas Maxamed Idiris Cabdi oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in qaar ka mid dadkii ku dhaawacmay qaraxa oo xaaladood ay halis ahayd loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in howgallo ay ka sameeyeen goobta qaraxa uu ka dhacay lagu qabqabtay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Inta la ogyahay 14-qof ayaa ku dhinta in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa maanta oo ahaa kuwa gacanta laga tuuro sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Degmada Janaalle maalinta Khamiista ayey dadka si weyn u yimaadaan suuqa oo ay keenaan xoolo maadama ay beeraleey yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News