Qaar ka mid ah shaqaalaha DF oo laga fasaxay xafiisyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad kasoo baxday wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowlada Soomaaliya ayaa shaqada xafiisyada looga fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda illaa 1-da bisha dambe ee April.

Shaqaalaha ayaa la faray in guryahooda ay ku shaqeeyaan, waxaana fasaxaan looga golleeyahay cabsi laga qabo fiifitaanka cudurka Coronavirus.

Agaasimayaasha iyo howlwadeenada kale ee aan looga maarmin xaafiisyada dowladda ayaa lagu faray warqadan in ay soo xaadiraan shaqada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in fasaxani uusan khuseyn shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeynaya ka hor tagga COVID-19, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray in aysan dadka salaamin, isla markaana ay xirtaan galoofiska gacmaha lagu xirto.

Halkan ka aqriso warqadda