Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qatar ayaa shaaca ka qaaday inay dacwad heer caalami ah ka gudbin doonto dhammaan dalalka xayiraada kusoo rogay.
Dowlada Qadar ayaa tilmaantay in dacwadaasi ay u gudbin doonto Maxkamada Caalamiga, iyadoo kaashaneysa cadeymaha muujinaaya duulaanka ay ku hayaan afarta wadan ee xayiraada kusoo rogay.
Dowlada Qatar ayaa tilmaantay in iminka ay u guda galeyso diyaarinta dacwo ka dhan ah Xulafada Sacuudiga oo ay sheegtay inay dhaawac u geysatay dhaqaalahooda.
Qadar waxa ay sheegtay in Xulafada Sacuudiga ay ka dooneyso lacago magdhaw ah, waxa ayna cadeysay inay dhulka la galeen dhaqaalaheeda iyagoo adeegsanaayo barobagando.
Sidoo kale, Qadar ayaa sheegtay inay dacwadooda u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga ah ee ku taal The Hague ee dalka Holland.
Gudbinta Dacwada ayaa waxaa shaaciyay Wasiirka Gaashaandhiga Qatar Khalid bin Mohammed al-Attiyah oo hadda safar shaqo ku jooga magaalada Geneva dalka Switzerland.
Dhinaca kale, Dowladaha Farance, Japan, Britain iyo dowlado kale oo dhowr ah ayaa aaminsan in dowlada Qadar aysan lug ku laheyn tuhunka ay usoo jeediyeen Xulafada Sacuudiga.
Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]