Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qadar ayaa shaacisay in ay dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay dib uga furan doonto safaaradooda.
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskii ku qaabilay sii hayaha safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya, waxaana ay ka hadleen calaaqaadka iyo xiriirka labada waddan.
Sii hayaha xilka safiirka Qadar ee Soomaaliya ayaa sheegay in Qadar ay ka go’an tahay siddii ay u sii wadi lahayd kaalmada ay siiso dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirgalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isna ammaanay dowladda Qadar oo uu sheegay in ay ka mid tahay dowladdaha mar kasta caawiya Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay in wasaaradiisa ay soo dhaweyneyso go’aanka geesinimada ee ah in ay dib uga furato Muqdisho safaaradooda.
Waxaa soo badanaya waddamada daneenaya in dib loo soo celiyo calaaqaadka ay lee yihiin Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ku yaalla safaarado ku leh in ka badan 30 dowladood oo ay ku jiraan Turkiga iyo UK, waxaa kaloo sheegis mudan in Maraykanka uu sheegay in uu dib u furan doono safaaradoodii Soomaaliya.
Dadka odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in wax yaabaha lagu qiimeeyo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay in ay horrumar weyn ka sameesay dhinaca dibedda.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho