25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Qadar oo qaadeysa talaabo lid ku ah dowlada Sacuudiga iyo muwaadiniinteeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay dalkeeda ka saarto dhammaan muwaadiniinta heysta dhalashada dalka Sacuudiga.

Qadar ayaa sheegtay inaanu jirin xushmad ay u muujisay dowlada Sacuudiga oo iyadu dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta Qadar.

Qadar waxa ay sheegtay inaanu wali ku dhiiran in dalkeeda ay ka musaafuriso muwaadiniinta Sacuudiga, balse ay iminka ku dhiiraneyso in dalkeeda ay ka mamnuucdo dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga iyo Hay’adaha laga leeyahay dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Qadar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si siman u sheegay inay la imaan doonaan ficilo kamid ah kan ay ku dhaqmeyso Sacuudiga, waxa ayna tilmaamen inay soo saari doonaan amaro dalka looga saaro dadka Sacuudiyaanka ah.

Sidoo kale, waxa ay sheegen inay muhiim tahay in Sacuudiga ay kala saarto xiisada kala dhexeysa Qadar iyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinteeda, maadaa dadka heysta dhalashada Qadar aysan wax luga ku laheyn xiisada taagan.

Xiisada Qadar kala dhexeysa Sacuudiga ayaa wixii ka danbeeyay labadii asbuuc ee lasoo dhaafay aheyd mid cirka isku sii shareereysay.

Dhinaca kale, waxaan xalinta xiisadaani weli ku guuleysan dowladaha dhowrka ah ee isku xil qaamay inay qeyb ka noqonayaan dajinta xiisada.

Caasimada Online
Xafiiska Doxa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News