Baladweyne (Caasimada online) Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generral C/xakiin Daahir Saacid ayaa maanta waxay gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay .
Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Qaliif ayaa wafdiga taliyaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay iyadoona loo soo galbiyay gudaha magaalada Baladweyne halkaas uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada Booliska gobolkaas .
Isxaaq Cali Cabdule taliyaha qeybta booliska goboljkha Hiiraan oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in taliyuhu uu u keenay qalab ciidan oo dhameys tiran si wax looga qabto baahiyaha ay ciidamada Booliska gobolku ay qabaan .
Wuxuu sheegay in qalab isugu jira Hub iyo Dares ciidan uu taliyuhu u keenay isla-markaana ay kaga mahad celinayaan isagoo sheegay in taas ay ka saacideyso dib u qalabeynta ciidamaba booliska Soomaliyeed gaar ahaan kuwa reer Hiiraan .
Sidoo kale 50 ka mid ah ciidamada Booliska ayaa waxa loo soo qaaday Muqdisho si tababar ciidan ay u qaataan waxaana la barayaa sida la sheegay hab dhaqanka ciidsamada Booliska iyo qaabka ay u howlgalaan si ay wax uga badalaan qaababka ay iminka u howlgalaan .
Waa markii ugu horeysay ee uu taliye Saacid gaaro Hiiraan gaar ahaan baladweyne waxaana tani ay qeyb ka noqoneysaa tilaabada dowlada Soomaaliya ay ku dooneyso horumarinta iyo tayeenta ciidmaada dowlada Soomaaliya.
Caasimada online
Xafiiska Baladweyne