27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Qarax ka dhacay garoonka diyaaradaha B/Weyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel ku dhow halka lagu baaro dadka galaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa kasoo baxaya warar  kala duwan oo ku aadan waxyaabaha sababay, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ku xirnaa garo Homey ah oo ay la socdeen rakaab kasoo duuli lahaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa lagu qariyay boorso uu watay ruux kamid ahaa dadka diyaarada kasoo raaci rabay garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayna qaraxday ka hor inta baaritaanka aan lagu sameyn dadka.

Magaalada Beledweyne ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaanba laga joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha, waxaana mararka qaar la maqlaya dhawaqa rasaas magaalada ka dhaceyso.

Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa,waxaana la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay.

Garoonka waxaa amaankiisa ilaaliya ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socdo dalka Jabuuti.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News