Qof isku qarxiyey maqaaxi ku taalla gobolka SANAAG

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Macluumaad iyo faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla dhanka buuraleyda Calmadow oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beesgaday maqaaxi lagu shaaxo, laguna qayilo oo ku taalla halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xilliga uu dhacayey qaraxa maqaaxida ay ku sugnaayeen dad badan oo shacab ah, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 10 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah oo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad ayaa loo soo qaaday dhanka magaalada Boosaaso, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan buuraha Calmadow oo u dhow tuulada Milxo oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxaan ka dhacay Sanaag ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyey ee is-miidaamin ah oo uu fuliyo qof isku soo xiray walxaha qarxa, taas oo cabsi weyn ku beertay dadka shacabka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana socdo baaritaano ay bilaabeen ciidamada Puntland, si dabagal loogu sameeyo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi qaraxa ah.