Jowhar (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degaanka Buurane oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay maqaaxi ay ku shaahi jireen ciidamo ka tirsan dowlada iyo dad shacab ah, kaa oo noociisu uu ahaa miino dhulka lagu aasay.
Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 6 Qof oo mid kamid ah yahay Askari, halka 5-ta kale ay yihiin Dad Shacab ah oo Maqaayadda joogay.
Dhaawacyada ayaa loo soo qaaday Isbitaalka Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Maamulka Degmada kama aysan hadlin Qaraxa khasaaraha kala dhaliyay ee lagu aasay Maqaaxida.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

