Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe.
Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia kaasi oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Baryar oo ku taala Magaalada Jowhar, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari, halka laba kalane uu Qaraxa kasoo gaaray dhaawac.
Qaraxa kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Maxamed Barroow Bocor oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Jowhar, waxa uuna xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay khasaaro xoogan.
Maxamed Barroow Bocor waxa uu sheegay in Qaraxa kadib magaalada oo idil laga sameeyay howlgalo lagu baadigoobaayo ragii falkaasi Qaraxa ah ka danbeeyay.
Qaraxa ayaa imaanaya xili maalinimadii shalay ay Deegaanka Biyo Cadde oo Duleedka ka ah Magaalada Mahaday ee Gobolka Sh.Dhexe ay la wareegen ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]