31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Qarax Khasaaro xoogan geystay oo ka dhacay Goobweyn iyo xog sheegeysa..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Magaalada Kismaayo kaasi oo la sheegay in lala bartilmaameystay Gaari tikniko oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsanaa Maamulka KMG Jubba.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa tuulada Buulo Guduud iyo Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxaasi uu waxyeelo xoogan soo gaarsiiyay Ciidamadii la socday gaariga Cabdi-bilaha ahaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in gaariga qaraxa lala eegtay uu ahaa mid kusii jeeday magaalada Kismaayo, waxaana ku qarxay miinada nooca dhulka lagu aaso.

Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa waxaana la soo sheegayaa in Qaraxaasi ay ku naf waayeen ilaa Seddex Askari, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo ilaa Afar.

Qaraxaani ma aha qaraxii ugu horeeyay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsanaa Maamulka KMG Jubba, waxa uuna barbar socdaa Qarax dhawaan ka dhacay isla deegaankaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News