25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan DF oo ka dhacay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu Habeenimadii xalay ka dhacay meel aan ka fogeyn Hotel Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la tilmaamayaa in lagu xiray gaari uu lahaa Ruux ka shaqeynayay Wasaarada Maaliyada DF Somalia, hayeeshee lama sheegin Khasaaro ka dhashay qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan.

Qaraxa ayaa burburiyay gaariga oo lagu xaraynayay meel gur ah oo ku yiilay dhabarka dambe ee Hotel Makka Almukarama.

Dhanka kale, Ciidamada nabadgalyada ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo baaritaano wada, dadka su’aalo weeydiinaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News